Lukaku oo diyaar u ah Finalka FA Cup

0
330

Weeraryahanka ayaa ku soo laabtay tababarka shalay ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga kulankii Arsenal oo dhacay 29kii April.

dalkiisa hooyo Belgium ayuu u aaday si xaalkiisa usoo wanaagsanaado waxaana laga yaabaay in xitaa la ciyaarsiiyo kulankii 1-0 ay kaga badiyeen kooxda Watford, lkn tababaraha Red Devils Jose Mourinho ayaa doortay inuusan halis galin.

Lukaku oo 25 sanno jir ah ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa United qaadamaya tan iyo markii uu 75 milyan oo ginni ugu wareegay Old Trafford isagoo ka yimid Goodison Park, isagoo dhaliyey 27 gool 50 kulan oo uu saftay.

Ma ahan kaliya goolashiisa waxa uu muhiimka ugu yahay kooxda ee macalin Mourinho ayaa jecel qaab ciyaareedka xidiga .

Kooxda oo dhan waxay sugeysaa finalka iyo fursad ay ku guuleysan karto koobkeedii afaraad ee seddex xilli ciyaareed.

United ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup waqtigii Louis van Gaal ka hor koobkii ugu dambeeyay ee Mourinho ee Europa League xilli ciyaareedkii hore.

The post Lukaku oo diyaar u ah Finalka FA Cup appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here