Manchester United Oo Wadahadalo La Furtay Weeraryahanka Kooxda Chelsea

0
35

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal horudhac ah la bilowday wakiilada Willian xagaagii lasoo dhaafay ee weerarka Chelsea.

 

29 jirkaan ayaa si aad ah u jecel kooxda Jose Mourinho, isagoo ku riyaaqay inuu keeno Stamford Bridge xagaaga ee sannadka 2013.

 

Mourinho ayaa la fahamsan yahay inuu la soo xiriiray xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil, ka dib markii uu xagaagii lasoo dhaafay soo bandhigay xiisaha uu u hayo, Manchester Evening News ayaana soo jeedineysa inay udhaqaaqi doonaan labada kooxood.

 

Willian, oo qeyb ka ah xulka Brazil ee 23ka ciyaaryahan ee Koobka Adduunka, ayaa labo sanno ka hartay inuu ku sii socdo heshiiskiisa haatan, waxaana laga yaabaa inuu ka baxo hadii uu muujiyo inuu doonayo inuu baxo.

 

Si kastaba ha ahaatee, United ayaan wax ganacsi ah la laheyn wakiilka Willian Kia Joorabchian tan iyo markii Carlos Tevez uu ku biiray Manchester City 10 sano ka hor.

The post Manchester United Oo Wadahadalo La Furtay Weeraryahanka Kooxda Chelsea appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here