Doorashadii baarlamaanka Ciraaq oo uu ku guulaystay Isbahaysiga Muqtadaa Sadar.

0
534

Isbahaysiga uu hogaamiyo wadaadka Shiicada ah ee Muqtadaa Sadar ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamanka Ciraaq.

Natiijada kama dambaysta ah ee gudida doorashooyinku soo saaray ayuu isbahaysiga Saa’iruun ka helay 54 kursi, halka xisbiga ra’isal wasaaraha talada haya ee Xaydar Al-Cabbaadi uu ku galay kaalinta saddexaad 42 kursi.

Mudane Sadar oo mudo dheer ka soo horjeeday Maraykanka ayaan noqon doonin ra’isal wasaare [in kasta oo isbahaysiga guulaystay uu hogaamiye u yahay] maadaama oo aanu isku sharixin. Laakiin waxa la filayaa in uu door wayn ku yeesho xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Muqtadaa Sadar wuxu isku dhigay inuu yahay nin musuqmaasuqa la dirira, waxaanu magaciisu soo shaac baxay markii maleeshiyada uu hogaaminayay dagaalka kala hortageen ciidamadii Maraykanka ee Ciraaq galay sanadkii 2003-dii. Sidoo kale waa nin aad u dhaliila Iran.

Doorashooyinkani waa kuwii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo intii Ciraaq ku dhawaaqday in ay ka guulaysatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka bishii Diisember.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here