Manchester City oo helaysa bedelka Yaya Touré, ka hor dhamaadka xagaagan

0
177

Kooxda Kubada Cagta ee Manchester City ayaa damaceeda u weecin doonta Kubad qaabeyaha dhexe ee Kooxd Barcelona ee Sergio Busquets, ka hor dhamaadka ololahan.

Hogaamiyaha Kooxda Sky Blue Pep Guardiola ayaa damacsan in Busquets ay mar kale ku midobaan Horyaalka English Premier League, kaddib markii uu xaqiijiyay tagitaanka Cayaariyahanka reer Ivory Coast Yaya Touré.

Sida lagu baahiyay Jariirada Marca’ Kooxda heysata horyaalka English Premier League ee City ayaa ka war qabta qiimaha lagu burburin karo hishiiska Cayaariyahan Busquets, kaas oo noqon kara ilaa iyo € 200m.

Si kastaba ha ahaatee’ Busquets ayaa u saftay Blaugrana 474-kulan tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeyay xilli ciyaareedkii 2008/09, markaas uu Kooxda ku sugnaa Hogaamiyaha reer Spain ee Pep, kaas oo haatan ku sugan Kooxda reer England ee Manchester City.

 

Pep Guardiola receive response from Barcelona over interest in signing Sergio Busquets

The post Manchester City oo helaysa bedelka Yaya Touré, ka hor dhamaadka xagaagan appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here