Hadii ay Koobka qaaday Real Madrid, Liverpool ayaa markeeda ku garaacday Rikoorrkan iska tartankaan

0
338

Waxaa xalay magaalada Kiev ee Wadanka Ukraine lagu soo gaba_gabeeyay fiinaalaha tartanka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kaasoo u dhaxeeyay Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, xilli 3-1 ay guusha ku raacday Kooxda reer Spain ee Los Blancos.

 

Kooxda Kubada Cagta ee Liverpool ayaa xagaagan ka yaabsatay dhamaan Kooxihii kala duwan ee kasoo muuqday dhacdadii 63-ad ee tartanka Champions League, kaddib markii ay noqotay Kooxda ugu badan ee goolal ka dhalisay intii uu socday xagaagan.

 

Kooxda reer England ee Reds ayaa ololahan dhalisay 41-gool, mana jirin Koox sidaas oo kale samaysay, balse Kooxda La Liga ee Real Madrid ayaa dhalisay 33-gool.

 

Kooxaha Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ee kala ah PSG, Bayern Munich iyo Roma ayaa kaalimaha kale soo galay, kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyay tartankan.

 

Liverpool         41-gool

 

 

Real Madrid      33-gool

 

PSG               27-gool

 

Bayern          26-gool

 

Roma            21-gool

The post Hadii ay Koobka qaaday Real Madrid, Liverpool ayaa markeeda ku garaacday Rikoorrkan iska tartankaan appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here