Joe Hart oo diirada u saaran Jose Mourinho

0
165

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay xagaaga lasoo wareegto goolhayaha Manchester City Joe Hart.

 

Red Devils ayaa qarka u saaran in kooxda Man City weydiiysato goolhayaha xulka England ee Hart sida ay baahineyso majalada The Sun.

 

United ayaa la filayaa inay u baahan tahay goolhaye cusub oo xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo Sergio Romero uu qarka u saaran yahay inuu ka tago Old Trafford xagaagaan.

 

Hart, ayaa la rajeynayaa inuu qeyb ka noqdo qorshaha tababaraha City Pep Guardiola xilli ciyaareedka soo socda, isagoo si amaah ah ugu soo biiray Torino iyo West Ham United tan iyo markii uu tababaraha reer Spain qabtay kooxda heysata horyaalka Premier League.

 

United ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso Celtic Craig Gordon iyo goolhayaha West Bromwich Albion Ben Foster oo bedel u noqon kara Romero.

The post Joe Hart oo diirada u saaran Jose Mourinho appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here