Kooxaha Juventus, Chelsea, Liverpool iyo Tottenham oo qiimi waali ah ku doonaya Ronaldaha Madow

0
265

Arsenal ayaa isku diyaarineysa in ay dalab u dirto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Sporting Lispon Gelson Martins.

Shabakada O Jogo ayaa sheegay in macalinka cusub ee Kooxda Gunners Unai Emery uu doonaya in uu lasoo saxiixdo Cayaariyahan Martins, kaas oo lagu naaneeso Ronaldaha Madow, si ay ugu garaacdo kooxaha kale ee kasoo jeeda qaarada Yurub.

Kooxda Champion-ka dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa diyaar u ah in ay lasoo saxiixdaan Cayaariyahan Gelson Martins, si ay bedel uga dhigto Juan Cuadrado, kaasoo la filayo inuu ka tago xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhamaantood lala xiriirinayay Cayaariyahan Martins, hase ahaatee Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa qandaraaskiisa lagu bur burin karaa aduun dhan £52.7-million oo Pound, xilli hishiiskiisa uu ku eg yahay sanada 2022-ka.

 

Arsenal considering €60m bid for Sporting star as Unai Emery eyes wing optionSporting Lisbon-Gelson

The post Kooxaha Juventus, Chelsea, Liverpool iyo Tottenham oo qiimi waali ah ku doonaya Ronaldaha Madow appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here