Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un

0
230

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyeey kulanki qorsheysna uu la yeelan lahaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inuu 12-ka bisha June uu ka dhacayo Singapore.

Madaxweynaha wuxuu hadalkasi sheegay kaddib marki uu u dhammaaday kulan uu aqalka cad kula yeeshay Kim Yong Chol, oo ah ergeyga sare ee ka socday xukumadda Piongyang.

Wuxuuna Trump sheegay inuu aaminsan yahay kulanku inuu ugu dambeyn uu qabsoomo, uuna noqdo mid lagu guuleysto iminkana ay socdaan marxalado looga gogol xaadhayo.

Xiriirka uu dalkiisu la yeelanayo kuuriyada Waqooyina uu haatan uu marayo meel wanaagsan oo la isku halleyn karo.

Wafdiga ka socday Piyongyang waxay Trump guddoonsiiyeen dhambaal ay uga sideen Kim Jong-un, dhambaalkaasi oo uu ku tilmaamay Trump ‘mid soo jiidasho leh’ balse uu sheegay inuu furin.

Kulankan uu maanta uu madaxweyne Trump si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qabsoomayo oo ah mid horay u qorsheysnaa waxaa marar badan soo galay hakad siyaasadeed oo sababi gaadhay gebi ahaanba heshiiska inuu burburo madaxda labada dal oo hadalla kulkulul isdhafsanayey awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here