Jaamacadda Carabta oo ka hor-Timid diidmada Mareykanka ee Qadiyadda Falastiin.

0
205

Jaamacadda Carabta ayaa maalinimadii shalay cambaarasay diidmadii Maraykanku kaga soo horjeestay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo ogolaanayey in shacabka Falastiin ay helaan damaanad ku aadan amni iyo nolol.

Hadal laga sii daayey xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu caqabad ku yahay qaraar kasta oo lagu joojinaayo dhiigga laga daadinayo dadka aan wax galabsan ee reer Falastiin,isla markaana tallaabada Mareykanka ay xoojineyso in Israa’iil ay sii waddo gumadka ama xasuuqa.

Jaamacadda Carabta waxa ay muuujiyeen sida ay uga xun tahay fashilka ku yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ,kaaas oo la tilmaamay in uu qaadi waayey tallaabo muhiim ah oo lagu joojinaayo xasuuqa Israa’iil ku hayso shacbiga Falastiin.

Maalinimadii Jimcaha Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ku hor-istaagay qaraar  lagu dalbanayay in Falastiiniyiinta ay helaan Amni,kaas oo ay soo gudbiyeen 10-dal,halka ay ka aamuseen Ingiriiska ., Poland,  Netherlands iyoEthiopia .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here