Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo kulan la qaatay guddoomiyaha gudiga doorashooyinka heer qaran

0
341

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa
maanta xarunta shirarka ee Daawad ee magaalada kismaayo kulan kula qaatay Wafdi ay
hoggaaminaysay guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka ee heer qaran Waxaana Ay Ka Wada hadleen arimo badan oo muhiim ah kana mid yihiin sidii bulshada Soomaaliyeed  loo gaarsiin lahaa nidaamka la doonayo in doorashada ay u dhacdo oo ah hal qof iyo hal cod.

Ugu horayn waxaa saxaafadda la hadashay gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee
doorashooyinka heer qaran Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Waxayna sheegtay in ajandaha ay
u socdeen uu ugu weyn yahay sidii halkan ay xafiis ay leeyihiin ay uga furan lahaayeen si ay u fududaadan Howlaha guddiga uu u hayo umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan Oo ugu danbayn saxaafadda lahadlay ayaa ugu horayn u mahad celiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer qaran ee howlaha shaqo u jooga magaalada Kismaayo wuxuuna bogaadiyay xaafiska ay halkan ka hirgalinayaan isagoo sheegay in ay ka shaqayn doonaan muwaadiniin soomaaliyeed oo reer Jubbaland ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here