Waa kuma garsoorayaasha loo magacaabay in ay dhex dhexaadiyaan kulamada semi finalka koobka aduunka

0
306

Garsooraha reer Uruguay ee Andres Cunha oo 41- jir ah ayaa isna garsoori doono kulanka maanta ee World Cup ka heerkiisa semi-final ka ku dhex mari doona xulalka France vs Belgium .

Waa kulanka ugu adag ee wareega semi finalka waxaana ciyaari doono labo xul oo tijaabo adag soo maray waxa ayna mid walba diyaar u yihiin sidii ay uhanan lahaayeen koobka aduunka.

Belgium ayaa ka soo adkaaday xulka qaranka Barazil oo ah xul awood badan halka Farance uu isna ka soo taqalusay xulka qaranka Urugay .

Dhinaca kale , Garsooraha reer Turkey ee Cuneyt Cakir oo 41- jir ah ayaa garsoori doona kulanka arbacada World Cup ka heerkiisa semi-final ka ku dhex mari doona xulalka Croatia vs England.

Taageerayaasha xulka England ayaa aaminsan in sanadkan uu yahay sandkii xulka sedexda libaax ay hanan lahaayeen koobka aduunka si fudud ayna ku soo gaaree heedka semi finalka koobka aduunka .

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here