Cristiano Ronaldo oo madaxweynaha Kooxda Juventus Andrea Agnelli kala hadlay arintan

0
45

Saxiixa cusub ee Kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa riixaya Naadigiisa in ay dib ugu laabtaan Kooxda Real Madrid, si ay wada xaajood kala yeeshaan Cayaariyahan Marcelo Vieira.

Juve ayaa lala xiriirinayay daafaca reer Brazil ee Marcelo, kaddib hishiiskii Cayaariyahan Ronaldo, taas oo mar kale albaabada u furaysa Naadiga dalka Talyaaniga ee Juve.

Shabakada Mediaset ayaa sheegaysa in Ronaldo uu kala hadlay madaxweynaha Kooxda Bionconeri Andrea Agnelli in uu dib ugu laabto Kooxda boqorada cad_cadka ee Real Madrid, si looga iibiyo Marcelo.

Ciyaaryahanka reer Brazil Marcelo ayaa ahaa xiddiga ugu weyn ee Ronaldo ku lahaa qolka labiska ee Real Madrid, wuxuuna aaminsan yahay in ay ku midoobi karaan Juve.

Marcelo ayaa hishiiskiisa Kooxda Madrid uu ku eg yahay ilaa iyo sanad Ciyaareedka 2022-ka.

 

https://cdn.vox-cdn.com/thumbor/ORzeU1TfrsFUIHNTkOEiYvx2KOw=/0x0:3000x2145/1200x800/filters:focal(949x942:1429x1422)/cdn.vox-cdn.com/uploads/chorus_image/image/60345231/

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here