Wax ka ogow qiimaha Real ay ku kansalayso hishiiska Hazard

0
539

Real Madrid ayaa diyaarinaysa qorshe £150-million oo gini si ay ula soo saxiixdaan weeriryahanka Kooxda Chelsea Eden Hazard.

Real ayaa u aragta Cayaariyahan Hazard inuu bedel u noqon karo superstarkii Kooxdooda ee Cristiano Ronaldo, kaas oo lacag dhan £100-million loga iibiyay Kooxda cimaliqada dalka Talyaaniga ee Juventus.

Kooxda haysata tartamada Yurub ee Uefa champions League ayaa ayaa rumaysan in kabtanka xulka qaranka Belgium-ka ay usoo weecin karto La Ligaha dalka Spain, iyadoo ka war qabta in hishiskiisa ay kaga harsan tahay kaliya laba sano.

27-sano jirkii hore ee Kooxa Lille Hazard ayaa sanadihii lasoo dhaafay lala xiriirinayay u dhaqaaqista garoonka Bernabeu, hase yeshee Blues ayaa laga yabaa in ay diido qiimo walba oo lo gaaro kalyantigeeda.

Kooxda kasoo jeeda galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaan awoodin bixin mushaar dhan £300,000-kun toddobaadkii, xilli Cayaariyahan Hazard uu wajahayo waa yihiisii u danbeeyay ee Blues.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here