Chelsea oo ka iibinaysa Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona Cayaariyahan

0
289

Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea ayaa diyaar u ah in kalyantigeeda Eden Hazard ay ka iibiso Kooxaha ugu awooda badan La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona .

Hazard ayaa ka caawiyay Xulka qaranka Belgium-ka in ay ku dhamaystaan kaalinta sedexaad dhacdada Koobka Aduunka, balse la filayo in uu ka tago garoonka Stamford Bridge, kaddib markii uu sheegay inuusan meel u dhicin mustaqbalkiisa.

Kooxda kasoo jeeda galbeedka Magaalada London ayaa ku qiimaysa qanaaskeeda Hazard aduun dhan £200-million, taas oo ka dhigaysa in uu noqdo kan ugu qaalisan dunida marka laga soo tago Saxiixii ay suuqa ka samaysay Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain, kaasi oo ku adanaa Cayaariyahan Neymar Jr.

Afar isbuuc kaddib oo ku adan 9-ka August ayaa la filayaa in saraakiisha Kooxda Blues ay kulan la qaadan doonaan wakiilada Cayaariyahan Hazard, si ay ugu arinsadaan mustaqbalkiisa xiga ee Cayaaraha Premier League.

Chelsea ayaan marna ogolaan doonin in ay iibiyaan Hazard, kaas oo wali qandaraaskiisa ay kaga harsan tahay laba sano, balse ku adkaan doonta bixinta mushaarka uu dalbaday oo gaaraya isbuucii lacag dhan £300,000-kun, hadii kale uu ka tagi doono Stamford Bridge.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here