Real Madrid Oo Heshiis La Gaartay……………….

0
80

Thibaut Courtois ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Real Madrid waxaana uu ku sugayaa wadanka Spain, sida ay sheegayan wararka.

Goolhayaha reer Belgium ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa Blues, waxaana uu haatan sheegay inaanuu sii joogi doonin Stamford Bridge.

Courtois ayaa  hore u sheegay in uu “wadnaha ku yahay Madrid” sababtoo ah caruurtiisa halkaa ku nool, ayaa lala xiriiriyay kooxda Bernabeu dhowr bilood.

 

Sida laga soo xigtay wargeyska Belgium ka soo baxa ee Het Laatste Nieuws, ciyaaryahankii hore ee kooxda Atletico Madrid ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Spain dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo ciyaaryahanka uu horey u saxiixay qandaraas shan sano ah.

 

Courtois wuxuu ku sugnaa Stamford Bridge tan iyo 2011.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here