Muranka ka taagan arrimaha Basaasnimada Ruushka uu ku sameeyey Mareykanka oo cirka isku sii shareeraya

0
506

Iyadoo ay jiraan eedeymo ku aadan in Ruushka uu basaasay xiligii ya dhacaysay doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Mid ka mid ah kaaliyaashii hore ee siyasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Donald Jey Trump ayaa sheegay eedda loo soo jeediyey ee ku saabsan inuu dowladda Ruushka inuu 2016-ka uu la shaqeeyey ay tahay “marin habaabin”

Hay’adda Dembi barista ee Dalkasi Mareykanka ee loo yaqaano FBI ayaa waxay aaminsantahay in Carter Page uu wakhtigaa “iskaashi iyo la talinba” uu la lahaa dowladda Ruushka,inkastoo dowladda Ruushka ay arrimahaasi jawaab diidmo ah ay ka bixiyeen.

Xiriirka lagu soo eedeyey Mr Carter ee ah inuu saraakiisha sirdoonka Ruushka uu xiriir dhow la lahaa ayaa lagu muujiyey dacwadda maxkamadda iyada loo ilaaliya si aad u sarreysa.

Madaxweynaha Mareykanka Mr Trump ayaa sheegay in ay u muuqato in ololihiisa doorashada si sharci darra ah loogu soo qabtay,Hase yeeshee, ma bixinin wax caddeyn ah oo xoojinaya eeddaasi loo soo jeediyey Carter.

Codsiga cusub ee maxkamadda ee la sii daayey waxaa cusbooneysiiyey garsoorayaal kala duwan oo fadhiya maxkamad awood loo siiyey iney eegto cosiyada sirdoonka dibadda (Fisa0.

Awoodo dheerada ah ayaa la siiyay Maxkamadda si ay arrintooda baarto arrimaha la xidhiidha sirdoonka dibadda ee hay’adaha ama shaqsiyaadska ay geystaan, maxkamadda oo ah mid si weyn looga aqoonsan yahay dalka Mareykanka.

Hay’adda FBI ayaa sii daaysay dukumiinti hore oo qarsoodi ah habeenkii sabtida kaddib markii ay soo codsiyo ku saabsan xorriyadda xogta oo ay soo diyaariyeen dhawr hay’adood oo Maraykan ah.

Waxaa Dukumantiga oo ka kooban 421 bog oo ka kooban sir iyo xog aad u culus aadna loo ilaalinayey oo marki dambe dib loo cusbooneysiiyey iyo waraaqo muujinayo baaritaannada lagu sameeyey Mr Carter.

Dowladaha ruushka iyo Mareykanka ayaa waxa ka dhexeeya khilaaf dhanka diblomaasiyadda ah,taasi oo laga dheehan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here