Dhibaatooyinka heysta Lacagaha Turkiga oo ku sii fidaya Caalamka

0
347

Dhibaatooyinka dalka Turkiga ka heysta xagga lacagaha ayaa si degdeg ag ugu sii fidaya suuqyada caalamka sida India, Argentina iyo K/Afrika.

Maalinimadii shalay oo Talaado aheyd dalka India,waxaa si xoogan looga dareemay hoos u dhac joogto ah oo soo foodsaaaray  lacagaha Rupeega ah marka loo eego lacagaha doolarka ee Mareykanka.

Lacagaha dalalka K/Afrika ee Rand iyo midda Argentinian ee Peso ayaa sidoo kale la tilmaamay in ay soo wajaheen hoos u dhac weyn oo ku yimid maalmahaan.

Canshuuraha xad-dhaafka ah ee Mareyakanku uu ku soo roray waxyaabaha loo dhoofiyo dalkiisa ayaa loo aaneyanayaa in ay sababeen hoos u dhaca dhaqaale ee dalalka qaarkood

Waxaa jira cabsi weyn oo laga qabo in dhibaatooyinka taabtay lacagaha Turkiga ay gaaraan habka maaliyadeed ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here