Weerar lagu qaaday Xarun Ciidan oo ku taalo magaalada Kapul ee dalka Afgaanistaan

0
167

Kooxo hubeysan oo heybtooda la garaneyn ayaa weerar ku qaaday Xarun Tababar Ciidan oo ku taalo magaalada Caasimadda ah ee Kapul ee dalka Afgaanistaan.

Ilaa iyo hadda wax faah faahin ah lagama helin Khasaaraha ka dhashay weerarka.

Weerarka saakay oo Khamiis ah lagu qaaday xarunta tababarka Ciidanka ee dalka Afganistaan ayaa ka dhacay meelaan sidaasi uga fogeyn magaalada Qala-e-Wazir.

Sida warbaahinta gudaha laga soo xiganayo,dagaalka ayaa wali socda,waxaana la maqlayaa rasaas Xooggan.

Weerarka ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii weerar naftii halignimo  ah oo ka dhacay afaafka hore ee Xarun Waxbarasho uu dilay ku dhawaad 34-Qof,Xaruntaasi oo ku taalo Galbeedka magaalada Caasimadda ah ee Kapul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here