Xildhibaan Xasan Yare oo Waxbarasho Jamacadeed u Balan Qaaday 20 Arday

0
544
Xildhiban Xassan Cabdi Ismaaciil Xassan Yare oo kamid ah mudaneyaasha golaha shacabka ee laga soo doorto Jubbaland ayaa waxaa uu balan qaaday inuu waxbarashada heer jaamacadeed ka bixin doono 20 kamid ah ardeydii kasoo qalin-jebisay dugsiyada sare ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab Dalka Kenya.
Ardeydaan uu kharashka waxbarashada ka bixin doono Xildhiban Xassan Cabdi Ismaaciil Xassan Yare ayaa dhigan doona Jaamacadda Jubba ee magaalada Kismaayo.
Xildhibaanka ayaa ardeyda ku wareejiyey maamulka jaamacadda waxaana loo dhigay munaasabad wareejin ah taas oo ay kasoo qayb galeen dad ay kamid yihiin ardeyda waxbarashada helay, waalidiin, maamulka Jaamacadda, wasiirro katirsan Dowlad Goboledka Jubbaland iyo Xildhiban Xassan Cabdi Ismaaciil Xassan Yare oo kamid ah mudaneyaasha golaha shacabka.
Maamulaha Jamacada Jubba Cabdirxamaan Muxumad Maxamuud ayaa sharaxay Kuliyadaha ay Jaamacaddu u diyaarisay ardaydaan inay kala Yihiin 12 Diploma.
Abuukar Cabdi Dacar oo kamid ah ardeyda ka faa’iideysaneysa waxbarashada jaamacadeed ee uu balan qaaday Xildhibaan Xassan Yare ayaa bogaadiyey Xildhibaanka islamarkaana balan qaaday in ay sida ugu wanaagsan uga faa’iideysan doonaan waxbarashada ay heleen Ardayda.
Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta Dowlad Goboledka Jubbaland Ismaaciil Cabdi Garas ayaa Xildhibaanka ku ammaanay doorka uu ka qaadaayo kobcinta aqoonta bulshada uu ku Metelo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xidhibaan Xassan Cabdi Ismaciil oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ardeyda kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan waxbarashada ay heleen, wuxuu intaas ku daray in kuwa gala kaalimaha hore uu u raadin doono heerka labaad ee waxbarashada jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here