Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo gaaray magaalada Garbahaarrey+Sawiro

0
291

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Jubbaland Aadam Ibraahim Aw Xirsi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarrey.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Jubbaland ayaa waxa safarka ku weheliya wasiir ku xigeenka wasaaaradda maaliyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaalada Gabahaarrey.

Wafdigaan ayaa  hordhac u ah wafdi kale oo dhawaan lagu wado in ay degmadaas gaaraan, iyagoo ku hawlan qorshaha soo bandhigida waxqabadka dowlad Goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here