Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland oo kormeeray Xabsiga Kismaayo

0
662

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Sheeq Cismaan Siciid ayaa maanta kormeeray Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo, isaga oo dersay xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiga.

Kormeerka xeer Ilaaliyaha ayaa waxaa  ku wehlinayay, qaar ka mid ah madaxda danbi baarista Jubbaland iyo Taliye ku-xigeenka Xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo.

Masuuliyiinta ayaa qol qol u kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Xabsiga magaalada Kismaayo.

Taliye ku-xigeenka Xabsiga dhexe ee Kismaayo Dhame Axmed Ibraaahim ayaa sheegay in xabsiga ay iminka ku jiraan, maxaabiis gaaraya ilaa 35 maxbuus oo isugu jira xukun sugayaal iyo kuwa la xukmay, wuxuu intaas ku daray in daryeelka maxaabiistu wanaagsan yahay islamarkaana si wanaagsan loola dhaqmo.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland oo markii uu soo dhameeyay kormeerka lahadlay warbaahinta  Jubbaland ayaa sheegay in Xabsiga dhexe uu u baahan yahay in dib u dayactir ballaaran lagu sameeyeyo, wuxuuna hay’adaha Jubbaland ka howlgala ka codsaday in ay qayb ka qaataan sidii loo dayactiri lahaa Xabsiga dhexe ee Jubbaland oo muddo badan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here