10 katirsanaa Al shabaab oo lagu qabtay howlgallo laga sameeyey Baardheere

0
42

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayey ciidamada Xoogga Dalka waxa ay gacanta ku dhigeen koox Amniyaad ah oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo Shabakad qaraxyada Al-shabaab ee ku diyaariyaan gudaha Magaalada.

Taliyaha ururka 49Aad guutada 10-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Xidigle Faarax Maxamed Turbac ayaa sheegay in ragga ay ciidamada Xoogga dalka ay howlgalka kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada  Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali.

Sidoo kale Xidigle Faarax Maxamed Turbac ayaa sheegay in hadda gacanta ciidamada xoogga dalka ay ku jiraan 10 dhagarqabe oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here