Waxaa manta Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Ku Meel Gaarka Ah Ee Jubbaland dib Ugu Soo Laabtay Wafdi Ballaaran Oo Uu Hogaaminayay Madaxwayne Kuxigeenka 1aad Ee Dowlada Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo Mudo 10 casho ah Safar Shaqo Ugu Maqanaa Magaalada Naroobi Ee Casimada Dalka Keenya, Halkaasi Oo Inta Uu Ku Sugnaa Kulamo Kula Qaatay Hay’adah Smafalka Ee ka Hawlgala Degaanada Jubbaland Iyo Masuuliyiinta Dowlada Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka waramay kulamadii madaxda Dowlada Kenya ay wada qaateen iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Dhibaatadii Ka Dhacay Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya Oo Lagu dhibaateyay dhawr jeer shacab Reer Jubbaland ah halka Hantidoonii Lagu Bur Buriyay.
Xirrirka Ka Dhaxeeyo Hayadaha Amaanka Dowlada Gobaleeda Yada Dalka Iyo Tan Fadaraalka Oo Sii Xumanaayo ayuu ka hadlay madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid isaga Oo Dhanka Kale Sheegay In Dawalda Fadaraalka Ay Qaybo Kamid Ah Dowladda Gobaleedka Jubbaland Ay Ka Abuurta Xalada Aan Shacabka u Wanaagsaneen.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbalad ayaa Baaq u diray Siyaasiyiinta Doonayso In Ay Qabtaan Xilka Hogganka Jubbaland in hadda ay u furatan tahay doorka la shaqeynta dowladda iyo xoreynta deeganada maqan.