Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka oo kulamo gooni gooni ah ku yeelanaya Guriga Nabada ee magaalada Kismaayo.

0
170

Madaxda dowlad-goboleedyada dalka ayaa waxay Kulamo gooni gooni ah ku yeelanayaan Aqalka Nabada ee magaalada Kismaayo,oo uu ka furmayo Shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka.

Shalay ayey ahayd markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG dowlad-goboleedka Jubbaland Wufuud ay hogaaminayeen Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Hirshabeele,Putland, iyo Galmudug.

Saacado ka hor ayaa sidoo kale waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu horkacyo.

Guud ahaanba Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayaa Ciidamada  Amaanka noocyadooda kala duwan kuwaas si wada jir ah Amniga u xaqiijinaya.

Madaxweynaha dowlad-goboleed Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Warbaahinta u sheegay in shirkan uu wax badan ku soo kordhin doono guud ahaan geedi socodka Hannaanka Siyaasadda,Amniga iyo Horumarka Soomaaliya.

Jubbaland tv ka daawo wararkan oo faahfaahsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here