Madaxweynaha Sudan oo kala diray Golihiii Xukuumadda.

0
252

Madaxweynaha dalka Sudan Omar al-Bashir,ayaa kala diray golihii xukuumadda,si uu wax uga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

Hadal uu Madaxweynuhu soo saaray saacidihii dambe ee shalay,ayuu ku sheegay in taallaabada uu qaaday ay ku jiraan sidii golaha Wasiirada looga dhigi lahaa 21-xubnood,halka ay horay u ahaayeen 31.

Omar al-Bashir ,ayaa intaa raaciyay in uu dhisayo dowlad mar kale soo celisa rajada dadka Sudan,isla markaana wax ka qabata dhaqaala xumida ka jirta dalkaasi.

Tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha ayaa lagu macneeyay mid uu ku xallinaayo xaaladda murugada leh iyo niyadjabka soo wajahay dalka Sudan,gaar ahaan xilliyadii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here