Qaramada Midoobay oo soo dhoweeysay heshiiska Nabadda ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea

0
267

Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah.

António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciida Adil Aljeybar  shir jaraa”id wada qabteen saxiixa heshiiska kadib, wuxuu u mahadceliyay Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha labada Xaram ee Shariifka Boqor Salman Bin C/casiis dadaalka badan uu geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay dalalka Etiopia iyo Ereteria.

Wuxuuna tilmaamemaay in dabeesha rajada nabada ay kababanayso Afrika iyo dhinac kale hagaajinta cilaaqaadka Afrika labadaasi dal ka sokow  guud ahaan Afrrika.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa isna bogaadiyay heshiiska ay labadaasi dal gaareen kuna soo afjareen colaadii mudada dheer dhex tiillay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here