Wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo daah furtay Tababar caafimaad

0
268

Tababar uu soo qaban qaabiyay Cisbitaalka Daryeel ee magaalada kismaayo kaas oo kaashanaya Wasaaradda Cafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta ka furmey Cisbitaalka Daryeel.

Tabaarkaan ayaa loo qabtay qaar ka mid ah dadka ka shaqayeeya goobaha Caaafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ,waxaana furitaanka Tababarkaan ka soo qayb galay qaar ka midda Mas`uulyiinta Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland gaar ahaan Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Fataax Maxamed Jaamac.

Tabarkaan ayaa socon doona muddo laba Bari waxaaana Tabarkaan lagu baran doona muddada uu socdo sida looga hortago Xanuunka Mallaariyada iyo qaabka loola tacaalo Bukaanka qaba Xanuunkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here