Gabar ardayad ah oo lagu dhex dilay Jaamacad ku taala magaalada Muqdisho

0
369

Dablay hubaysan oo ka kooban labo qof oo ragg ah ayaa saaka aroortii galay dhismaha Jamacadda Soomaaliya(UNISO)Xarunteeda ku taala Baar-Ubax,Magaalada Mogadishu,Waxayna halkaas ku dileen gabadh lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan oo dhiganaysay kulliyadda Shareecada simistarkii ugu dambeeyay.

Nimankii dilka gaysta ayaa goobta ka baxsaday,Ciidanka Booliska Ayaa xabsiga u taxaabay macalinkii iyo Horjoogihii Fasalka(Kaaba Class)lagu dilay Aamino.

Ma jirto cid sheegatay in ay ka dambaysay dilkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here