Xarun Caafimaad oo loogu tala galay dadka dhimirka ka xanuunsanaya oo laga furey magaalada Kismaayo (Sawiro)

0
469

Munaasabadan xadhiga looga jarayay  Xarunta cusub ee lagu Xanaanyn doon Dadka Dhimirka ka xanuunsan ayaa ka dhacday magaalada kismaayo Gaar ahaan xafada Calanlay

Xaruntan oo lagu Magacaabo Maan Bile ayaa ah  Hospitaal si Casriyaysan loo dhisay kaas oo lagu xanaanayn doonaa Dadka ka xanuunsan dhimirka waana Fikrad ku cusub Magaalada kismaayo,waxaana aas aasay Xarunta Dr Cabdi Casiis Maxamed Faarax oo ah Maamulaha Maan bile.

Munasabadan Xadhig jarka ayaa waxaa kasoo qayb Galay Gudoomiyaha dagmada kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic Dhakhaatiir ka socday Hospitalada Magaalada kisaamyo salaadiin iyo Marti sharaf kale

waxaa Goobta ka hadlay kana warbixiyay waxyabaha ay qaban Doonto Maamulaha Xaruntan Maan Bile   Dr Cabdi Casiis Maxamed Faarax Maan bile

Dr Cabdi Naasir Maxamed oo ah Xubin ka ah Ururka Dhakhaatiirta Jubbaland ayaa sheegay in ay muhim Tahay Xaruntan loona Baahan yahay in la dhiiri galiyo lana Garab istaago maadaama ay shaqo Muhim ah qabanayso

Gudoomiyaha Dagmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic oo Goobtan Xadhiga ka jaray ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan aad usoo dhawaynayaan Sidoo kalana Garab taagan yihiin  xarumaha Noocan oo kale ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here