Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buurhakaba

0
338

Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo lahadlay Warbaahinta  ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kula galeen duuleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buurhakaba balse ay ka hortageen ciidamada amaanka oo sida uu sheegay ay ka dileen 6-kamid ah maleeshiyaadka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Maxamed Ibraahim Nuur guddoomiyaha degmada Buurhakaba iney gacanta ku dhigeen hub ay ka furteen maleeshiyaadkii ay dileen ee  weeraray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here