Mareykanka oo beeniyay in uu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay Iiraan

0
257

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay eedeeyn uga timid xukuumadda Iiraan oo ahayd in ay ka dambeeyeen weerar ka dhacay dalka Iiraan.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Nikki Haley,ayaa sheegtay in madaxwaynaha Iiraan ay tahay “uu muraayadda isku eego ” ka hor inta uusan Mareykanka eedeeyn.

Waxa ay intaa ku dartay in madaxwayne Rouhani uu muddo dheer cadaadis ku hayay dadkiisa.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley,ayaa sheegtay in Mareykanka ay cambaareynayaan weerar walba oo argagixiso balse ay tahay in Iiraan ay hoos isu eegto.

Mrs Haley oo la hadashay telefishinka CNN ayaa sheegtay in dadka reer Iiraaan ay maalin waliba dibadbax dhigaan islamarkana cadaadis lagu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here