Imaaraadka oo taageeray wadahadalada Qaramada Midoobay ee Yemen.

0
304

Sarkaal ka tirsan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono hindisaha Qaramada Midoobay ee ku aadan wadahadallo cusub oo  loo qaado nabadda dalka Yemen.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Anwar Gargash ,ayaa sheegay in wadahadallo xilligaan laga yeesho dalka Yemen oo uu  garwadeen ka yahay ergeyga  Qaramada Midoobay Martin Griffiths ay yihiin kuwo ay si aad ah u taageerayaan,kadib kolkii uu dib u dhac ku yimid shirkii Geneva ee kal hore.

Hadaladaan ayaa imaanaya ,iyadoo laba todobaad kadib ay burbureen wadahadallo nabadeed oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobay,kaas oo ay sababeen  dagaalada ka socda magaalada  Hodeidah.

Todobaadyadii tegey Qaramada Midoobay ayaa dadaal ku bixisay sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda Yemen iyo kooxaha Xuutiyiinta,waxaana ergeyga u xilsaarn dalkaasi uu si toos ah isu hor-fariisiyay dhinacyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here