Maxamuud Cabaas oo cambareeyey Cunsuriyadda Israel iyo Maraykanka

0
184

 

Madaxweyne Maxamuud  Cabaas ayaa khudbadiisa ku bilaabay cambaareyn adag oo uu la beegsaday Siyaasada ku saleysan Cunsuriyada iyo Dhul-boobka Maamulka Yuhuuda iyo Taageerada indho la’aanta ah oo ay Israel ka helayso Dowlada Maraykanka oo uu sheegay inaysan dhex dhexaad ahayn.

“…Qudus iib maaha, Xaquuqda Falastiina gorgortan kama galeyno…” ayuu yiri Maxamuud Cabaas oo ka hadlayey go’aankii Donald Trump ku sheegay in magaaladaasi barakeysan ay tahay caasimada Israel, hadalka Madaxweynaha Falastiin ayey si weyn ugu sacab-tumeen inta badan dalalka Beesha Caalamka ee ku sugan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

MR -Cabaas ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Falastiin u aqoonsadaan Dal madax banaan iyo dhaqan gelinta in ka badan 700 Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ay diiday inay dhaqan geliso Israel 70kii sano ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here