Dowladda Iiraan oo sheegtay in aysan xireynin albaabada wada hadalka

0
119

Wasiirka arimaha dibada ee dalka iiraan ayaa sheegay in aanu dalkiisu marnaba xirayn  albaabka wada hadalka ee iyaga iyo maraykanka.taas oo uu ku macneeyay in la badbaadiyo heshiiska nukliyeerka ee la galay 2015kii.

Mr. javad zariff oo ka hadlaayey magaaladda new yorkayaa intaas ku daray in wadankiisu aanu aqbali Karin tii maraykanka iyo waqooyiga kuuriya ay wada gaadheen hada ka hor.

Waxaanu yidhi “hadii taasi dhacdo waxay madaxwaynaha maraykanka u noqon doontaa kulan igu sawir ah”

Hadalkan ka soo yeeray Mr Zarif ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii ay Iiraan ka heshay taageero dalalka kale ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,si loo badbaadiyo heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee la galay 2015-kii, walow uu sii kordhayo cadaadiska uu heshiiskaasi ku hayo Mareykanka kaas oo isaga baxayba bilowgii sanadkan

Iiraan ayaa rajaynaysa in quwadaha kale ee heshiiska qaybta ka ahi ay ku sii jiri doonaan,waxaaana la rajaynayaa in ganacsiga xorta ah  ee dhinacyadu ay sii socon doonaan,iyadoo xaga iiraan aan la isticmaalayn lacagta doollarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here