Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashey Khilaafka u Dhaxeeya Dowlada Iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

0
302

Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadashay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Harriet Baldwin ayaa sheegtay in Saddex Boqol oo Sano kahor ay dhexdooda ay ka jirtey khilaaf,waxayna sheegtay inay la qeybsanayso ummada Soomaaliyeed khibradda ay u leedahaay marka loo eego dalkeeda iyo sida loo xaliyay colaadii dhextaaley dadka UK.

Waxa ay ku talisay in wax walba oo tabashooyin ah ay muhiim tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado lagana wada hadlo ayay tiri Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin.

Hadalka Wasiirka UK ee Arimaha Afrika ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada golaha Aqalka Sare ay wadaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka wallow ay dowlad-goboleedyadu ku baaqeen gacan Saddeexaad oo ka qayb qaadata dhex dhexaadinta labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here