Cabsi ka taagan degaanka Xaafuun ee Gobalka Bari

0
22

Wararka naga soo gaaraya degaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay cabsi ku aadan in ay ku dhufato duufaanta Luban oo horay loo saadaaliyay in ay gaari doonto qeybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland.

Degaanka Xaafuun ayaa ka mid ah meelaha laga soo sheegayo Dabaylaha qabowga wata sida uu Warbaahinta  u xaqiijiyay gudoomiye kuxigeenka Xaafuun Axmed Maxamed Cabdi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in gabi ahaan ay kaluumaysatada degaankaasi isaga soo bexeen Badda.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saacaddihii lasoo dhaafay ay dareemeen roobab  dabeylo wata.

Saacadaha hore  Isniinta ayaa la filayaa in duufaantaas Luban ay ku dhufato cirifka bari ee Soomaaliya ee ay iska galaan badweynta Hindiya iyo badda cas.

Deegaannada Soomaaliya waxaa ku yar ama aan ka jirin imkaaniyaadkii iyo awooddii lagula tacaali lahaa masiibooyinka dabiiciga ah, xataa haddii laga sii war hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here