Kal-Fadhiga 4aad Ee Aqalka Sare Oo Maanta Furmaya

0
138

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Xarunta Aqalka Sare ee Magalada Muqdisho uu ka furmo Kal-fadhiga 4,aad ee Aqalka Sare kadib fasax ay mudooyinkan ku jireen.

Munaasabad lagu furaya Kal-fadhiga 4aad ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan madaxda ugu sareysa dalka,waxana haatan laga dareemayaa Xarunta Golaha Aqalka Sare.

10-kii Bishii la soo dhaafay ee September ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo kal-fadhiga 4aad balse ay diideen xildhibaanada Aqalka Sare,hayeeshee Maanta oo Isniin ah ayuu furmi doono.

Amniga Xarunta Aqalka Sare ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana laga dareemayaa qaban qaabada furitaanka kal-fadhiga 4aad ee Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here