Madaxweyne Trump oo ka difaacay Sacuudiga eedeymaha loo jeedinayo

0
17

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.

Trump oo la hadlay wakaalada wararka ee Associate Press shaley ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dadka Sucuudiga eedda loo jeedinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arrinta Sucuudiga loogu eedeynayo wariyihi boqortooyada mucaaradka ku ahaa ee la waayey 2-di bishan ka dib marki uu galey qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul Turki, waxaa uu barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here