Madaxweyne Dowlada Goboleedka Jubbaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta ku soo dhaweeyay aqalka Nabadda ee Magaalada Kismaayo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka Jubbaland.
Taliyaha ayaa magaalada Kismaayo u yimid isku dubiridka Ciidamada qalabka sida xilli dhawaan ay bilaaban doonaan Howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad iyo Nolol diidka Al-shabaab.