Ganacsade Reer Tanzania ah oo dib ugu soo noqday Hoygiisa.

0
263

Waxaa Hoygiisa dib ugu soo laabtay maalqabeen reer Tanzania ah oo muddo tobban Cesha  ah lagu afduubtay magaalada Dar Es Salaam ee dalkaasi.

Maalqabeenkan oo lagu magacaabo Maxamed Dewji ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu soo tuuray garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaallo Dar es Salaam.

Qoyska iyo shacabka Tanzania ayaa ka walacsanaa in mudda ah maqnaanshaha Maxamed Dewji ah oo ahaa qof dhalinyaro ah islamarkaana Ganacsade ah.

Qoraal barta Twitter-ka ay soo geliyeen qoyskiisa ayuu Dewji wuxuu mahadcelin u jeediyay booliska Tanzania iyo intii ka shaqeeyay sii dayntiisa.

Dhanka kale Taliyaha ciidammada booliska magaalada Daaru Salaam Lazaro Mambosasa wuxuu sheegay in xaaladda caafimaad ee ganacsadaha ay wanaagsantahay isla markaasna 11 maalmood afduub loo haystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here