Madaxweyne Trump oo sheegay in uusan ku qanacsaneyn Warbixinta Sucuudiga ee Dilkii Wariye Jamaal

0
89

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn Jawaabta Dowlada Sucuudiga ay ka bixisay Dilka AUN Wariye Jamaal Kaashogji.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay suurta gal noqon karto in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uusan war ka heynin Dilka Wariye Jamaal.

Trump ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn Warbixinta Sucuudiga ilaa inta laga Helayo Jawaab Cad.

Wuxuu intaasi ku daray Trump in ay suuragal tahay cunabatayn dhinaca hubka ah oo lagu soo rogo Dalka Sucuudiga balse wuxuu sheegay inay dhibaato wayn ay u horseedeyso Mareykanka oo ka badan midda Sucuudiga uu la kulmi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here