Cristiano Ronaldo ayaa ku dhex lugeeyay garoonka Old Trafford

0
12

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhex lugeeyay garoonka Old Trafford oo maran (Faaruq) ah ka hor inta uusan qaban shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka caawa, wuxuuna ka dhawaajiyay inuusan waligiis iloobi doonin tababarahiisii hore Sir Alex Ferguson.

Ronaldo waa markii labaad uu soo xaadirayo Old Trafford isagoo cadaw ah ku ah Manchester United tan iyo markii uu 80 Malyan oo Pound kaga baxay sanadkii 2009, wuxuuna hadda ka hor ka hor yimid isagoo xiran maaliyadda Real Madrid sanadkii 2013.

Xiddiga reer Portugal oo xusuuso qurux badan ka heysta garoonka Old Trafford ayaa si mug leh usoo jiitay jamaahiirta kooxda iyo maamulkaba, sidoo kalana fariin khaas ah ayuu u diray Fargie isagoo ka faa’ideysanaya fursaddii la siiyay.

“Waxey ii tahay dareen weyn inaan soo laabto” ayuu yiri Ronaldo, “Waan garanayaa wax walba oo ku saabsan taariikhda”

“Waxaan halkaan ku qaaday koobab, waxaan sidoo kale aad u xasuustaa jamaahiirta, waana ku cajiib ah”

“Halkaan waxaan ka heystaa xasuus guuleed iyo dareen, gaar ahaan Sir Alex Ferguson, kaas oo aan si weyn u salaamayo”

“Waa shaqsi aan marnaba iloobi doonin, waxaana jeclaan lahaa inaan u muujiyo rajadeyda ugu wanaagsan ee suuragalka ah. Waa qof aad iigu caawiyay mudadeyda halkaan”

Juventus waxey guuleysteen labadii kulan ee ay ciyaaree group-ka iyadoo Ronaldo uusan 90-daqiiqo si rasmi ah u dhameysan kulamada kooxdiisa, casaankii uu qaatay kulankii Valencia ayaana sababay.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here