Cristiano Ronaldo Oo U Jawaabay Isco: “Ma Ooyi Kartid, Waa Runtiis”

0
25

Cristiano Ronaldo ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta waxa uu u jawaabay xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Isco kaasoo maanta sheegay inaan loo ooyi ciyaaryahan aan dooneynin inuu kooxda ka sii mid ahaado.

Isco Alcarano ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa aan laga dareemi doonin maqnaashiyaha Cristiano Ronaldo kaas oo bishii July ee lasoo dhaafay adduun dhan 100 Malyan oo Euro ugu biiray kooxda Juventus.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa soo afjaray 9-sanadood oo ku sugnaa garoonka Santiago Bernabeu, wuxuuna durba ku dhibtoonayaa waqtigiisa horyaalka Italy, maadaama uusan wax gool ah dhalin sadexdiisii kulan ee ugu horreysay.

Ronaldo wuxuu rikoor aan caadi aheyn ka sameeyay Spain, balse saaxiibadiisa kooxda dhamaantood ma aaminsana iney maqnaashahiisa wax badan ka hallaabi doonaan.

“Waxaan ka hadleynay arintaan xilli ciyaareedka oo dhan. Ma jirto sabab looga hadlo qof aan halkaan joogin. Waxaan tabay Bale iyo Carvajal markii ay dhaawac ahaayeen. Waxaan kooxda ku heysanaa xiddigo goolal dhalin kara. Uma ooyi karno qof aan dooneynin inuu halkaan sii joogo” ayuu yiri Isco.

Cristiano Ronaldo ayaana la weydiiyay maanta waxa uu ka dhahayo hadalada Isco, waxaana uu ku jawaabay: “Waxba uma arko hadaladiisa, waa runtii qof maqan uma ooyi kartid.”

Waxaa wax laga weydiiyay mushkilada heysata Real Madrid, waxa uu ku jawaabay: “Ma ahan inaan ka hadlo kooxo kale, qof walba aya og taariikhdeyda Real Madrid laakiin waxaan ka sii fekeraa waxa soo socda sida kulanka habeen danbe taasoo haddii aan badino aan soo bixi doono, lama joogo waqtigii aan taas ka hadli lahaa. Ma ahan inaan ka hadlo dhibaatooyinka halkaas ka jira.”

[playbuzz-item item=”f1ee64c3-7f31-489e-a06e-a6e759885642″ wp-pb-id=”41893″]

La Wadaag Asxaabtaada:
Facebook192TwitterPinterestLinkedInEmail
Wararka Kale Ee La Xiriira:
Muxuu Yahay Qaladka Kaliya Ee Uu Cristiano Ronaldo Sameeyay Mudooyinkii Ugu Dambeeyay? Carlo Ancelotti Oo Daaha Ka Qaaday Talaabo Qaldan Oo Uu Qaaday CR7. ….
Chelsea Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqonaysa Qorshaha Ay Maamulka Real Madrid Ku Doonayaan Antonio Conte & Blues Oo Dhibaatadii Ay Maurizio Sarri U Mareen Ka Jaraya Los Blancos. ….
CODEYN: Ma Haboon Tahay In Real Madrid Ay Ceyriso Tababare Julen Lopetegui Ka Hor Kulanka El Clasico Ee Axada? ….
WARBIXIN: Liiska Tababarayasha Jagada Tababarenimo Ee Real Madrid Ku Loolami Doona Oo Kor U Kacay & Magacyo Cusub Oo Tartanka Ka Dhex Muuqda ….

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Halkaan ku qor Arigtidaada…
This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

WARARKA UGU AKHRISKA BADAN
XOG: In Maaliyada Kooxdii Ay Wajahayeen Ay Ku Ciyaareen, In Hal Gini Oo Kaliya Lagu Iibiyay Iyo Afar Xaqiiqo Oo Waali Ah Oo Ay Suurtogal Tahay In Aanad Kooxda Chelsea Ka Ogayn. XOG: In Maaliyada Kooxdii Ay Wajahayeen Ay Ku Ciyaareen, In Hal Gini Oo Kaliya Lagu Iibiyay Iyo Afar Xaqiiqo Oo Waali Ah Oo Ay Suurtogal Tahay In Aanad Kooxda Chelsea Ka Ogayn.
Cristiano Ronaldo Oo U Jawaabay Isco: “Ma Ooyi Kartid, Waa Runtiis” Cristiano Ronaldo Oo U Jawaabay Isco: “Ma Ooyi Kartid, Waa Runtiis”
Kufsigii Lagu Soo Dacweeyay, Ku Soo Laabashadiisa Old Trafford, la Qabsigiisa Juventus Iyo Waxyaabo Kale Oo Uu Ronaldo Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Ka Hor Kulanka Man United. Kufsigii Lagu Soo Dacweeyay, Ku Soo Laabashadiisa Old Trafford, la Qabsigiisa Juventus Iyo Waxyaabo Kale Oo Uu Ronaldo Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Ka Hor Kulanka Man United.
Jawaabtii Uu Bixiyay Gigi Buffon Markii La Weydiiyay Seddexda Goolhaye Ee Ugu Fiican Caalamka Waqti Xaadirkaan Jawaabtii Uu Bixiyay Gigi Buffon Markii La Weydiiyay Seddexda Goolhaye Ee Ugu Fiican Caalamka Waqti Xaadirkaan.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here