Lionel Messi ayaa la sawiray markii ugu horreysay tan iyo markii uu gacanta ka jabay sabtidii

0
15

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa la sawiray markii ugu horreysay tan iyo markii uu gacanta ka jabay sabtidii kulankii ay guusha ka gaareen Sevilla, wuxuuna waqti la qaatay qaar ka mid ah saaxiibadiisa kooxda iyo xaaskiisa.

Barcelona ayaa wajaheysa saddex isbuuc uu garoomada ka maqnaan doono Lionel Messi, wuxuuna seegi doonaa kulanka El-Clasico iyo sidoo kale kulanka weyn ee arbacada ay la ciyaari doonaan Inter Milan kana tirsan koobka Champions League.

Si kastaba Messi wuxuu shaashadaha kasoo muuqday isagoo dhoola cadeynaya, sidoo kalana waxaa ku wehliyay waqtiga uu banaanka kusoo qaatay Philippe Coutinho iyo Luis Suarez oo ah labadiisa saxiib ee ugu dhaw kooxda.

Leo wuxuu sidoo kale seegayaa kulamo ay ka mid yahiin: Rayo Vallecano iyo Real Betis oo ay bisha soo aadan la ciyaari doonaan kulamo ka tirsan La Liga, lamana hubo xitaa inuu kasoo qeyb gali karo kulanka ay Inter Milan kula ciyaari doonaan Sansiro ee lugta labaad.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here