Howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka bilaaban doono Deegaano Galgaduud ka tirsan

0
29

Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa wadda Qorshe la-doonayo in Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saaro deegaanno dhowr ah,kuwaas oo ay qayb ka tahay Degmadda Ceel-buur ee Gobolkaas.

Deegaanka Ceel-qorax oo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa laga sameeyay Xarun KMG si-ay Saldhig ugu noqdaan Howlgaladda lagu qaadayo Maleeshiyaadka Al Shabaab si-looga saaro Degmadda Ceel-buur.

Munaasabadda lagu furayey Xaruntaan KMG ah ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale iyo Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale.

Gudoomiyaha Degmadda Cee-Buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Qorshahan Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saarayo Ceel-buur muddo laga soo shaqeynaayay balse hadda ay ku rajo weyn yihiin siddii arrintan loogu dhaqaaqi lahaaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here