Culumada Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool

0
16

Daladda Culumada gobolka Ohio ee Somali Islamic Centers Of Ohio (SICO) ayaa soo saaray Baaq Nabadeed oo ku aadan colaada gobolka Sool.

Waxay culumadu ku tilmaameen dagaalkaasi in uu yahay mid xaaraam ah isla markaana aan ka tarjumayn islaamnimada, dhaqanka, iyo aqlaaqda suuban midna.

Dadka deegaanka ayay ugu yeereen in ay si aan kala har lahayn ugu istaagaan soo afmeerida dhiiga daadanaya iyadoo laga cabsanayo musiibo aaqiro iyo mid aduunba.

Culumada ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay wada hadlaan isla markaana ka waantoobaan in ay carruurtooda, Hantidooda, iyo naftoodaba ay ku haligaan dagaal wax natiijo ah oo ka soo baxayaa aysan jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here