Wasiirka amniga Jubbaland oo maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland

0
33

Kulankan ayaa inta badan waxaa diirada lagu saarayay hawlgalada ka socda Jubbaland ee dhinaca ammaanka ah, saraakiisha kulankan ka soo qayb gashay ayaa ka kala socday talisyada ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha shirkan joogtay waxaa kamid ahaa Taliyaha ciidanka  Jubbaland S/guuto  Aadan Maxamuud Ibraahim Aadan Goojaar,  S/gaas Yuusuf xuseen Cusmaan Dhuumal Gaashaanle Sare  Shiikh Maxamuud Khaalib, Taliyaha Nabad Sugiidda iyo sirdoonka Jubbaland G/sare khaalid Shiikh Cabdullaahi Taliyaha Booliska qeybta gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle sare Maxamed Naasir  Guuleed  iyo saraakiil kale.

S/guuto  Aadan Goojaar Taliyaha Ciidanka ayaa marka hore la hadlay saraakiisha shirka amniga maanta ka qeyb gashay.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Shiikh Maxamuud Khaalib iyo Sareeyo Guuto Yuusuf Cusmaan Dhuumaal ayaa ayaga dar-daaran u jeediyay saraakiisha shirkan ka qayb galaysay.

Taliyaha ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland G/sare Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa kula dar-darmay saraakiisha iyo cidanka in loo hogaansamo askarta xiliyada ay hawlgalad iyo shaqooyinka ku jiraan.

wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa goobta ka hadlay shirkana soo xiray wasiirka waxaa uu ku dheeraday ka hadalka ahmiyadda ay leedahay nabad galyada iyo ammaanka isagoo sheegay In cidna aysan ka ogolanayn wasaaradda amniga Jubbaland in ammaanka ay qal-qal galiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here