Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo warbixinno looga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland [Sawirro]

0
235

Shirka Golaha wasiiradda Jubbaland ayaa waxaa shir guddoominaayey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, waxaana ku weheliyey labada Madaxweyne ku-xigeen, Maxamuud Seyyid Aadan iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud.

Shirka waxaa warbixinno laxiriira waxqabadkooda looga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland ee shirka soo xaadiray.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wasiirada uga warbixiyay xaalaadda siyaasadeed ee dalka iyo shirkii golaha Iskaashiga Dowlad-goboleeyada dalka ee lagu qabtay magaalada Garoowe.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa wasiirada uga warbixiyay xaaladda amni ee guud ahaan Jubbaland iyo gaar ahaan howlgaladii ugu dambeeyey ee Ciidamada gaarka ah ee Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay wasiirku in howlgaladaasi laga gaaray guulo muhiim ah.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda ee Jubbaland Ibraahim Cabdi Xassan ayaa ka warbiyay shir uu uga qayb galay magaalada Mombassa ee Kenya, kaas oo looga hadlaayey ka faa’iideysiga khayraadka badda.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo safar shaqo ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa wasiirada uga warbixiyay waxyaalihii u qabsoomay wasaaradda intii uu ku jiray safarka.

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta iyo xirirrika caalamiga Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim ayaa sidoo kale laga dhegaystay warbixinno muhiim ah.

Shirka golaha wasiirada Jubbaland ayaa markii uu soo dhamaaday wasaaradda waxaa Jubbaland TV la hadlay wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Isgaasiinta iyo Tignoolajiyadda Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here