Dowlada Jarmalka oo soomaaliya ka taageereyso Farsamada gacanta

0
302

Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta, taas oo hoos u dhigaysa saamiga dadka shaqo la’aanta ah.

war lagu qoray bogga safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Jarmalka oo ka qaybqaadanaysa dib u kabashada Soomaaliya, iyadoo shan 5-milyan oo Dollar ku bixinayso mashaariic loogu talagalay in lagu hormariyo farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

9-kii October ee sanadkan, Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaaray laba heshiis oo dhinaca tababarada farsamada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo kan kale oo ahaa heshiis  ku saabsan dhinaca iskaashiga maaliyadda iyo dowlad wanaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here