Dowladda Qadar oo dalbatay in la sii daayo Afar Muwaadiniinteeda ah kuwaas oo ku xiran dalka Sacuudi carabiyah.

0
119

Dowladda dalbaday tallaabo deg deg ah si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin afar qof oo reer Qadar ah oo ay xireen maamulka Sucuudiga,dowladda Qadar ayaa codsatay in  si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi .

Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee dalka  Qadar, Ali Ben Samiikh al-Marri oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Xuquuuqda Aadanaha Feonola de Allian  ayaa isla qirey Baahida loo qabo ficil deg-deg ah oo ku aadan Maxaabiis ku xiran dalkaasi Sacuudiya Carabiya.

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi Qadar ayaa warbixin kooban ka siiyay ergeyga Q.M u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha xannibaadaha ka dhashey xayiraadii lagu soo rogay Qatar iyo xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha, sida lagu Warbaahinta ku hadasha Afka Qadar.

Ali Ben Samiikh al-Marri ayaa carabka ku adkeeyay in Afarta qof ee Qadariyaanka ah ee  lagu xiray Sacuudi Carabiya ay yihiin dhibanayaal  aan waxba galabsan.

Ugu dambayntii  Beesha caalamka ayuu ugu baaqey  in ay cadaadis saaraan maamulka Sucuudiga sii deynta  Muwaadiniinta u dhashay dalka Qadar inay muujiyaan qaddarkooda oo ay sii daayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here